U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka iyo Xoghaya Jaamacadda Carabta oo Kawada Hadlay Abaaraha

Sheeko:Caalamka
Ergayga arrimaha Abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan magaalada Jidah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan la qaatay Xoghaya Ururka Jaamacadda Carab Xuseen Ibraahim Dhaaha, labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa intii uu socday ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu Daaha la wadaagay dhambaal ku aadan gurmadka Abaaraha, kaas oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud. Ergayga ayaa Xogyahay warbiximn ka siiyay xaaladda abaaharaha baahsan ee ka jira Soomaaliya.
labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sidii loo dardargelin lahaa gurmadka abaaraha iyo kaalinta Ururka ay ku kulansan yihiin 57-da dowladood ee Jaamadda Carabta oo Soomaaliya ay ku jirto,  iyadoo la og yahay in dalka ay ka jirto Abaar daran oo laga cabsi qabo in ay isku rogto heer ay gaarto macluul,
Ergayga arrimaha abaaraha u qaabilsan madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan Sucuudi Carabiya ayaa kawada kulamo ku aadan gurmadka Abaarah, iyadoo magaalada Riyaad sidoo kale uu kaga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay hey,adda Bisha Cas oo looga hadlay arrimaha Abaaraha.
Dowladda Imaaraadka Carab ayaa Muqdisho soo gaarsiisay Markab siday shixnad Gargaar ah, taas oo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka abaartu saamaysay, waxaana lagu sheegay inuu sido 1000 tan oo Raashin kale duwan ah oo ku jira 41 Kunteenar, waxaana isasoo taraya qeylo dhaanta ku aadan Abaaraha Soomaaliya.
Goobjoog News