U bood dhigaalka

Eritrea Oo Dib Uga Furatay Safaaraddeeda Adis Ababa

Sheeko:Caalamka

Eritrea ayaa dib uga furtay Maanta oo Isniin ah magaalada Adis Ababa ee xarunta Itoobiya Safaaraddeeda waana tallaabo cusub oo tilmaameyso in si dhaqso ah xiriirka labada wadan uu u soo hagaagayo.

Labadan dowladood ayaa dhameeyay todobaad ka hor dhibaato Milatari oo ka dhaxeysay taasi oo socotay ku dhowaad 20 sano waxaana ku dhintay tobanaan kun oo qof.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si wadajir ah u furay Safaaradda Eritrea ee Adis Ababa maanta oo isniin ah ka dib markii la qabtay Xaflad yar.

Calanka Eritrea ayaa la suray Safaaradda dhexdeeda waxayna labada hoggaamiye ay ku dhex socdeen gudaha dhismaha Safaaradda, ka dina Afwerki waxaa uu dib ugu laabtay dalkiisa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiisyo ay dhowaan kala saxiixdeen labada dal waxaana ka mid ahaa in la furo Safaaradaha dib u soo celinta Safarrada Cirka iyo Maalgashi wadajir ah oo lagu sameynayo dekadaha.

Goobjoog News