U bood dhigaalka

Eritrea Iyo Imaaraadka Oo Ka Wadahadlay Xiriirkooda

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqday Imaaraadka Carabta isaga oo halkaasi kula kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Imaaraadka ayaa maamula Saldhig Milatari oo ku yaalla gudaha Eritrea waxaa uuna u adeegsadaa Ololahiisa dagaalka Yeman, war-murtiyeed ka soo baxay labada dhinac kulanka ka dib ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka doodeen waddooyinkii lagu xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah.

Itoobiya oo deris la ah Eritrea waxaa xilka ra’iisulwasaaranimo la wareegay bishii April Abiy Axmed. Dib u hagaajintii uu sameeyay ayaa saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda Gobolka.

Abiy ayaa sheegay in uu wado qorshooyin dhaqaalaha lagu furfurayo gacanta dowladda uu hadda ku aruur sanyahanna looga saarayo waxaa kale oo uu caddeeyay inuu oofinayo sharuudihii heshiiskii nabadgelyo oo ay galeen Itoobiay iyo Eritrea sanadkii 2000.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegay todobaadkii la soo dhaafay in ay fureen Albaadka nabadgelyada ka dib booqashadii ugu horreysay oo Wafdi Asmara ka socda ay tageen Adis Ababa muddo ku dhow 20 sano oo labada dal ay is go’doomiyeen

Kulankan ayaa xoojinaya rajooyinka soo afjaridda mid ka mid ah dhibaatooyinka Milatari ee qaaradda Afrika.

Sidoo kale waxaa kobcay xiriirka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Itoobiya, waxayna ballan qaadeen Imaaraadka bishii la soo dhaafay in Saddex Bilyan ay Itoobiya u siinayaan kaalmooyin iyo Maalgashi.

Goobjoog News