U bood dhigaalka

Eritrea Oo Siideysay 37 Kalluumeysato Yemaniyiin Ah

Sheeko:Caalamka

Xukuumadda Yeman ayaa sheegtay in madaxda Eritrea ay soo daayeen 37 kalluumeysato Yemaniyiin ah kuwaasi oo ay qabsadeen waqti hore xilli ay ka kalluumeysanayeen biyaha baddeeda.

Wasiirka Kheyraadka badda ee Yeman Fahad Kafayan ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in weli ay heysato Eritrea kalluumeysato kale.

Waxaa uu tilmaamay in xukuumadda ay kala hadashay Asmara arrinta Kalluumeysatada laga afduubtay xeebaha Xadiid iyo Maqa ee galbeedka Yeman .

Wasiirka ayaa sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda iyo Kheyraadka badda ay u xilsaareen lasocoshada arrintan iyo in ay ka shqeeyaan sidii lagu soo deyn lahaa Kalluumeysatadan iyo doomahooda ayna u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Eritrea aya waxaa ku xiran Kalluumeysato u dhashay Yeman oo gaaraya ku dhowaad 200 waxayna sii daayeen 37 ka mid ah.

Goobjoog News