U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka Oo Maanta Si Rasmi Ah u Furmay (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhigii Todobaad ee Baarlamaanka, isaga oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Furitaanka Kalafadhiga 7-aad ee baarlamaanka waxaa sidoo kale joogay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Cumar Carte Qaalib iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiiradda.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku dheeraaday ka hadalka waxyaabihii u qabsoomay ka baarlamaan ahaan, Kalfadhigii Lixaad ee lasoo dhaafay.

Jawaari ayaa sheegay in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ay xildhibaanada sugeyso shaqo aad u badan, islamarkaana muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib waxaa khudbadiid Dastuuriga ahayd qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan marxaladda dalka iyo sidoo kale arrimo la xiriira shaqooyinka baarlamaanka sugaya.

Waxa uu madaxweynaha guul ku sheegay Kalfadhiyadii 6-da ahaa ee Baarlamaanka soo maray, oo uu tilmaamay in xildhibaanada ay qabteen shaqooyin aad u muhiim ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada in ay sugayaan meel marinta sharciyo aad u muhiim ah, sida Maalgashiga dalka, sharciga La dagaalanka Argagaxisa iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xildhibaanada laga doonayo in ay dedejiyaan sharciga maalgelinta shisheeyaha oo uu sheegay in lagu heli lahaa shaqooyin badan iyo sidoo kale isbedallo dalka ku yimaada.

Waxaa kale oo madaxweynaha xildhibaanada Baarlamaanka uu ka codsaday in ay dedejiyaan ansixinta Sharciga la dagaallanka argagaxisada oo tilmaamay in waxyaabo badan u xayiran yihiin.

Arrimaha siyaasadda iyo is qabqabsiga ayaa mar uu soo hadal qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu ku baaqay in laga heshiiyo waxyaabahaasi, islamarkaana la helo dad isku duuban oo shacabkooda wax u qabanaya.

Kalfahdiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa socon doona illaa iyo bisha February ee sanadka 2016-ka, waxaana xildhibaanada horyaalla shaqooyin aad u badan.

m18 m17 m16 m15 m14 m13 m12 m11 m10 m9 m8 m7 m6 m5 m4 m3 m2 m1

Goobjoog News

Sawirada Waxaan Kasoo Xigannay Warbaahinta Dowladda