U bood dhigaalka

Faah Faahin ku Saabsan Kulanka Baarlamaanka iyo Qodobadii Dastuurka ee Wax Laga  Bedalay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu  meel mariyay mashruuca sharci ee wax ka bedalka dastuurka iyadoo fasaxii Ramadaan ay si rasmi ah u galeen xubnaha baarlamaanka.

Fadhiga ayaa ahaa kalfadhiga 8aad kulankiisii 18aad waxaana shir guddoominayay goddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Jaylaani Nuur Iikar, ajandaha horyaalla xubnaha ayaa ahaa hal ajando oo ah; ku dhawaaqista natiijadda codeynta Mashruuca sharci ee wax ka bedddelid Dastuur.

Kulanku markuu furmay oo ajandihii la guda galay ayaa guddoonka baarlamaanku waxa uu ku dhawaaqay natiijada codeynka wax ka bedalka dastuurka:

“Mudanayaal, 215 xildhibaan ayaa codeysay, 208 wey ogolaadeen mashuurca wax ka bedelidda labada qodob ee kan 60aad iyo kan 136aad, waxaa diiday 4, 3wey ka aamuseen, sidaas awgeed wax ka bedelidda dastuurka qodobkiisa 60aad iyo qodobkii 136aad waa ansax”.

Guddoomiye Jaylaani ayaa sheegay in ula jeedada dhabta ah ee wax ka bedalka Dastuurku aaney ahayn muddo kororsi:

“Waxaan rabaa inaan waxyar u sheego shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanadaba, in marnaba aanuu baarlamaankani rabin muddo kororsi, waxaa loo igmaday inuu dastuurka wax ka bedelo, xaq ayay u lahaayeen iney maanta wax ka bedalaan, si sharaf ah ayay u garteen iney labadaa qodob u codeeyaan, waxaanan filayaa in sida ay aqlabiyadda baarlamaanku ay u codeeyeen in lagu wargeliyo hay’adaha ay khuseyso”.

Waxa uu xubnaha baarlamaanka u sheegay in la galayo fasaxa bisha Ramadaan la iskuna soo noqon doono ciidda ka dib:

“Waxaan kaloon rabaa inaan idin wargaliyo wax ajando ah oo hortabin ah oo hadda noo yaallaa majiro, sidaas awogeed baarlamaankan inta ka harsan Ramadaanka waa fasaxan yihiin, waxaan isku imaan doonaa bacadal Ciid”.

Qodobada dastuurka ee wax ka bedalka lagu sameeyay ayaa kala ah :-

Dib u dhigista qabashada aftida dastuurka qaran

-Qodobka waxaa lagu buriyay Qdobka 136 ee Dastuurka federaalka faqraddiisa 2aad, kuna saabsan qabashda afti qaran si kamadambays ah loogu ansixinayo dastuurka federaalka.

– Waxaana qabashda aftida qarameed dib loogu dhigay lana abaabuli doonaa inta lagu jirto muddada xilhaynta baarlamaanka 10aad ee 2020.

Xilhaynta Baarlamaanka Federaalka

Si aysan u dhicin firaaq ku yimaadda jiritaanka hay’adaha dawladda, sida ku cad qodobka 60(1), mudada xilhaynta baarlamaanka federaalka 9aad waa 4 sano, waxayse xilhayntiisa rasmiga ah ku eg tahay maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada baaralmaanka 10aad ee cusub.

Goobjoog News