Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu billowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadday fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen halkaasi.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu ku billowday madaafiic ay soo tureen Al-shabaab.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dhanka saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM aanay wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi.
Al-shabaab ayaa mararka qaar sidan oo kale weeraro ugu qaadda xarumaha ay ciidanka dowladda kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada dalka.
Goobjoog News