U bood dhigaalka

Weerarkii Hotel Saxafi, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Sooyaalka Qaraxyada Hoteelada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan islamarkaana ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii waxa ay weerar isugu jira Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku billawday qarax Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, kaasi oo lala eegtay Hotelka Albaabkiisa oo dhagxaan ay ku xirnaayeen.

Markii uu qaraxaasi dhacay ayaa waxaa xigtay rasaas xooggan oo halka qarax uu ka dhacay laga maqlay, waxaana daqooqado ka dib goobta ka dhacay Qaraxii Labaad oo isna gaari yar loo adeegsaday.

Qaraxyada halka ay ka dhaceen waxaa marayay gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah, sida gaari Homey ah iyo NOHA, oo dad shacab ah kasoo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Rag hubeysan ayaa gudaha u galay Hotelka, kuwaa oo tiradooda lagu sheegay 5, waxaana ay hotelka ka dhex dagaallamayeen ku dhawaad 5 saacadood.

Hotelka waxaa deganaa xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, qaarkoodna xilliga weerarka uu billaabanaya waa ay jiifeen.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog ayaa goobta dagaalka iyo weerarada Ismiidaaminta ah ka dhacay gaaray, kuwaa oo soo arkay Meydadka 9 qof oo shacab ah, oo uu ku jiro sawir qaade u shaqeynayay TV-ga Al-jazeera, waxaana sidoo kale jiray mas’uuliyiin ku dhintay gudaha Hotelka.

Mas’uuliyiinta dhintay waxaa ka mid ahaa, C/rashiid Shire Il-qeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi ee la weeraray, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/kariin Dhega Badan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay Taliyahii hore ee ciidamada Lugta Jeneraal Cali Caraaye Cosoble Gacma Duulle.

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaa la geeyay 27 qof oo shacab ah, kuwaasi oo dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu ay adkeyd.

Dhinaca kale wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in weerarkii maanta ee Hotel Saxafi ay soo qaadeen 5 qof, islamarkaana la wada toogtay, lana soo afjaray howlgalka.

“Dadkii soo weeraray Saxafi dhammaantood halkaasi ayaan ku dilnay, hay’adaha amniga ayaa wada Tirakoob dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, Shan qof bay ahaayeen kuwa weeraray Hoteelka, Hotelka dadkii ku jiray waa lasoo badbaadiyay, waana lasoo afjaray howlgalka” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Howlgalkii Hotelka saxafi waxaa soo afjaray ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaasi oo ka galay Hotelka daaqada.

Dhismaha Hotelka waxaa soo gaaray burbur badan, sidoo kalena waxaa burbur uu soo gaaray qeyb ka mid ah xarunta Dambi baarista CID iyo dhismayaal halkaasi ka dhaw.

Sooyaalka Qaraxyada iyo Weerarada Loo Geystay Hoteelada Muqdisho

December 3, 2009: Waxaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacaysa munaasabad qalin Jabin ah. Iyadoo goobtaasi ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo isugu jiray Arday, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa.

Mas’uuliyiintii weerarkaasi ku dhimatay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka Qamar Adam Cali, Wasiirii Taclinta Sare Prof. Ibrahim Xassan Caddow , Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirkii Waxbarashada, Dr. Shahiid, waxaana markaasi ku dhaawacmay  Wasiirkii Cayaaraha Saleebaan Colaad Roooble.

August 24, 2010: Qarax Ismiidaamin iyo rasaas ayaa ka dhacday Hatel Muna ee magaalada Muqdisho, 23 qof ayaa ku dhimatay, Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta ayaa kala ahaa Maxamed Xassan M. Nuur, Geeddi Cabdi Gadiid, Buulle Xassan Macallim, Idiris Muuse Cilmi.

Sidoo kale xildhibaannada ku dhaawacmay waxay kala ahaayeen: Cali Cabdiqaadir Macallim,  Cali Maxamuud Cabdi, Axmed Sheekh M. Maxamud, Maxamed Caateeye Fariid, iyo Isaaq Ibraahim Cali.

September 20, 2012: Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Maqaayadda The Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka, 16 qof oo wariyaal ay ku jireen ayaa dhintay. Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale agaasimihi Radio VOD ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin Cali, Waxaa kaloo halkaas ku dhintay Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal iyo dad kale.

September 07, 2013 : Qaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa ka dhacay barxadda iskaashatooyinka oo kasoo horjeedda dhismaha ex-fiyoore, kana dambeysa Maqaayadda The Village.

Inta la xaqiijiyay  15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qaraxyadaas ku geeriyoodey, iyadoo ay ku dhaawaceem in ka badan 20-qof oo dad rayid ah u badan.

January 1, 2014: Ugu yaraan Shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

October 12, 2014: Qarax Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Oromo Coffe, ilaa 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas.

October 15, 2014: Qarax ka dhacay kasoo horjeedka Fiyoore, Qaraxan waxaa ku dhintay shan qof oo ay u badnaayeen shaqaalahii maqaalayad.

November 7, 2014:  qarax goor habeenimo ah  ka dhacay agagaarka Hotel Maleeka ee magaalada Muqdisho, qaraxaan oo miino waxaana lagu xiray Gaari uu watay agaasime ka tirsan wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya.Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.

February 20, 2015: Qarax Ismiidaamin iyo weerar toos ah aya ka dhacay Central Hotel Waxaa la xaqiijiyay geerida gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel) iyo sidoo kale Xildhibaan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay dad shacab ah iyo ragii weerarka qaaday.

Sidoo kale xubnaha dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar iyo siyaasiin halkaasi ku sugneyd oo qaarkood dhaawac fudud soo gaaray.

Dadka qaraxa ku dhintay, waxaa ka mid ah: Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland Maxamed Yuusuf Sharlaawe, Shire Jaamac Xassan oo ahaa Arday reer Puntland ah oo Muqdisho u doontay Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah, Maxamed Amiin Guure Arday reer Puntland ah oo Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah sugayay, Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Keenadiid oo ka mid ahaa Isimada Puntland, Xildhibaan Axmed Ducale Xaaji Kafee oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Puntland, Cabdifataax Khaliif Baadiye oo ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Axmed Abshir Muuse Sarkaal oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka iyo askar kale.

January 22, 2015: Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL.

March  11, 2015: Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.

March 27, 2015: Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12 saacadood, maalinkii xigtay ee sabtida ahayd wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in 14 qof ay ku dhinteen, sidoo kalana 50 la badbaadiyey.

Waxa uu intaasi ku daray in 6 ka tirsan dagaalyahanada ay dileen, balse waxa saxaafadda ay aragtay 4 meyd oo xirnaa dareeska ciidamada oo illinka hoteelka lasoo dhigey.

Madaxa isbitaalka Madina Duniyo Cali Maxamed ayaa Goobjoog u sheegtey in isbitaalka lasoo dhigey 28 qof, kuwaasi oo 4 ka mid ah ay markiiba dhinteen, 24-ka qof ee soo hartay ayay sheegtey in 10 ka mid ah ay dhaawacyadoodu darnaayeen, una baahdeen in qaliin lagu sameeyo, halka 14 kale durbadiiba inta la dhayay ay guryahooda aadeen.

Dadka hoteelka ku waxyeeloobey ka sokoow waxaa jirey dad kale oo shacab ah oo ku dhintey hoobiyeyaal ku habsaday guryahooda, kuwaasi oo ay xalay is weeydaarsanayeen raggii hoteelka weeraray iyo ciidamada dowladda, illaa 2 qof ayaa ku dhimatay, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen, hase yeeshee tirada intaasi waa ay ka badan kartaa.

April 21, 2015: 9 qof oo ayaa ku dhimatay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii weerar Qarax lagu xiray gaari markii lala eegtay Maqaayadda Banooda ee magaalada Muqdisho.

July 10, 2015: Labo weerar oo mataano ah oo ay u muuqatay in hal meel laga hagayay ayaa lagu qaaday labada hoteel ee kala Siyaad iyo Weheliye, 18 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 16 sida ay Goobjoog News u xaqiijisay Agaasimaha Madina Hospital.

July 26, 2015: Ugu yaraan 15 qof oo rayid u badnaa, ayaa ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa oo lagu qaadey Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho. Waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al Shabaab.dad 30 ka badan ayaa ku dhaawacmay.

August 22, 2015: in ka badan 5 qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow hoteelkii hore ee Jubba, magaalada Muqdisho.

September 21, 2015: Qarax ka dhacay Hotel SYL iyo Afafaafka Madaxtooyada, 11 ayaa la xaqiijiyay, C/qaadir Gabeyre iyo nin ay Saxiibo ahaayeen oo heystay dhalashada Poland ayaa goobta ku dhintay, Labada nin ayaa rabay in ay Muqdisho ka hirgeliyaan Hotel Casri ah, Soomaali iyo Turki ayaa sidoo kale la sheegay in dhimasho iyo dhaawac soo gaareen, waxaa kaloo burburay Hotel SYL, Gadiid iyo xitaa Madaxtooyada.

November 1, 2015: Labo Qarax ayaa ka dhacay Hotel Saxafi, in ka badan 15 qof oo ay ku jiraan ganacsato, Wariyeyaal, aqoonyahan iyo Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa la sheegayaa in ay halkaas ku dhinteen.

Goobjoog News

DSC05855DSC05856DSC05867DSC05865DSC05864DSC05862DSC05860DSC05859DSC05857DSC05868DSC05870DSC05871DSC05872DSC05874DSC05875DSC05873

DSC05876DSC05877DSC05878DSC05879DSC05880DSC05881DSC05882DSC05891DSC05890DSC05889DSC05888DSC05886DSC05885DSC05884DSC05892DSC05893DSC05894DSC05895DSC05896DSC05897DSC05901DSC05902DSC05904DSC05905DSC05906DSC05907DSC05908DSC05917DSC05916DSC05915DSC05914DSC05913DSC05912DSC05910DSC05918DSC05919DSC05920DSC05934DSC05935DSC05936DSC05937