U bood dhigaalka

Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay duleedka Beledwayne (Dhageyso)

Oktoobar 9, 2014

Warar dheeraad ah ayaa saaka oo Khamiis ah laga helayaa dagaal ciidamada maamulka la baxay Westa Land iyo   kuwa xarakada Al-Shabaab ku dhax maray deegaano isku xira gobollada Hiiraan, Bakool iyo Shabeellaha dhexe.

Cabdi Shiikh Faarax oo sheegay in maaamulkaasi madax u yahay  ayaa sheegay in ay ku guulaysteen furida wadooyin xirnaa kuwaas oo la tilmaamay in ay xanibnaayeen.

Waxa uu tilmaamay in dagaaladan 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhacen duleedka magaalada Beledwayne.

Masulkan oo carabka ku dhuftay jiritaanka khasaare ay gaarsiiyeen dhanka Al-Shabaab ayaa si kooban u sheegay in uu aad u yar yahay khasaaraha soo gaaray ciidamadooda.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Shiikh Faarax: