U bood dhigaalka

Faahfaahin Xiisado Dagaal oo Ka Taagan Guriceel iyo Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda ee DhuusamareebXiisado dagaal ayaa ilaa iyo saakay ka oognaa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaanan ka heleynaa faahfaahin dheeraad ah kadib dabogal iyo xog uruurin aan sameyney.

Sida ay noo xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan degmooyinkaas iyo goobaha ay wax ka dhaceenayaa Goobjoog u sheegay incutubkaSufa ee ka tirsanciidamada Ahlu Sunnah Waljamaaca ee gobolada dhexe ay maanta gelinkii dambe dagaal kula wareegeen xarunta magaalada Guriceel halkaasi oo ay saacado ka hor ka ambobaxeensii hayahawasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xooga Dalka General Maxamed Rooble Jimcaale ee loo yaqaano Goobaale iyaga ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb.

Arrintani ayaa waxa ay dhashay in ciidamada dowlada ay iyaguna si rasmi ah ay dagaal kula wareegaan taliskii iyo koontorooladii ciidamada AhluSuna ee magaalada Dhuusamareeb, islamarkaasina ay magaalada gebi ahaanba isaga baxeenciidamadiiAhlu Sunnah Waljamaaca.

Xiisadan ayaa taagneyd tan iyo intii halkaasi uu gaarey mudane Mahad Salaad iyo Sarkaal Goobaale.

Mudane Mahad Salaad iyo Jeneraal Goobaale ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Guriceel, halkaasi oo la sheegey in ciidamada Ahlu Sunnah ay saacado ku hortaagnaayeenkoontaroolkalaga galo magaalada, balse markii dambe ay u suurogashay in ay gudaha u galaan magaalada, lana hadlaan dadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maanta markii ay magaalada kasoo laabteen ayaa waxaa weerar magaalada ku qaaday ciidamada Ahlu Sunnah ee loo yaqaano Sufa ama Birmad, kuwaasi oo ay xoojinayeen kuwa ka yimid Dhuusamareeb.

Ciidamada Sufa ayaa dagaal kula wareegey xaruntii degmada Guriceel oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada, waxaana halkaasi ku dhintey labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Markii ay intaasi dhacday ayay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ay la wareegeen goobo fariisin u ahaa ciidamada Ahlu Suna ee ku yaala magaalada Dhuusamareeb, sida koontaroolka weyn, xarunta degmada iyo meelo kale, waxa ay sidoo kale ciidamada dawladu ka qabsadeen ciidamada Ahlu Suna xeradii 21-aad ee ay laahaan jireen ciidamada dawlada.

Maamulkii degmada ee ay Ahlu Sunnah horey u magacoowdey ayaanan la ogeyn meel ay magaalada ka aadeen, balse waxaa naloo xaqiijiyey in uu magaalada ku suganyahay guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunnah Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Sufa loo yaqaano ay soo buuxiyeen afaafka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo ay ilo kale u sheegeen Goobjoog in ay hogaanka Ahlu Suna uu ku dhawaaqay in la qaado dagaalweyn.

Waxaa sidoo kale ilo xog ogaal ah u sheegeen Goobjoog in mudane MahadS alaad, Jeneraal Goobaale, Xildhibaan Jawaahir iyo Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” ay ku hawlan yihiin diyaarinta iyo qabanqaabinta gogosha shirka Maamul u sameynta gobolada Dhexe.

Hadaba, marka dagaaladan ay dhacayeen waxaa magaalada Dhuusamareeb dhinacyo ka deganaa ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwaasi oo aanan ilaa hada la ogeyn aragtidooda rasmiga ah, hase yeeshee maalmo ka hor markii wafdigu dowladda ay kasoo degayeen garoonka Dhuusamareeb waxaa dhacday in ciidamada Sufa ay is hortaageen wafdiga, balse ciidamada Itoobiya ay soo kala dhexgaleen, kuna qasbeen Sufa in ay u ogolaadaan.

Waxyaabaha la iskuhayo ayaa lagu sheegay in ay tahay shirka la sheegey in halkaasi lagu qabanayo, iyada oo ay xitaa soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi tagi doono dhowaan.

Waxaa soo xoogeysanaysa cabsi in uu dagaal qarxo saacad kasta, iyada oo dadka Dhuusamareeb ay Goobjoog u sheegeen in ay ka walwal qabaan dagaal kadhaca magaaladaas.

Goobjoog News