U bood dhigaalka

Faahfaahinta dagaal ka dhacay deegaanka Buur Eylo ee gobolka Baay

Sheeko:War
Degmada Buur hakaba, Gobolka Baay
Degmada Buur hakaba, Gobolka Baay

Maamulka Degmada Buur hakaba oo faah faahin ka bixiyay dagaal khasaaro Geystay oo ka dhacay nawaaxiga Degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay Xuseen Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in Dagaalkan uu ku bilowday Amar uu sheegay in shacabka deegaanka Buur Eylo ay dul dhigeen xarakada Al-Shabaab.

Xuseen Maxamed Cali ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa saddex ka tirsan xarakada Al-Shabaab midna uu ku dhaawacmay halka dad rayid ahna uu khasaaro ka soo gaaray dagaalkaasi.

Ma jirto faahfaahin dhaafsan hadalka Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Buur hakaba oo ku saabsan dagaalka gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Buur Eylo.