U bood dhigaalka

Fahad Oo FEIT Dacweeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka FEIT u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka.

Fahad ayaa FEIT ku eedeyay in ay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Ninkan oo shantii sano ee taliska Farmaajo lagu naaneesayay milkiillaha dowladda ayaa qabsaday qareen, waxa uuna maxkamadda sare ee dalka ka furay dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Fahad Yaasin oo sidoo kale leh magaca Fahad Daahir Axmed ayaa ku andacooday in loo dooday kursiga HOP#086 oo ay natiijadiisa soo gudbiyeen guddiga SEIT ee Hirshabeelle.

Horay ayay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida looga gudbiyay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasin oo lagu eedeyay in uu qayb ka yahay dil loogaystay sarkaalad Ikraan Tahliil Afrax.

Dhinaca kale dacwadda Fahad ayaa ka dhigan mid gebi ahaanba baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka, kaas oo dhigaya in dacwadda iyo cabashooyinka dhanka doorashada ah loo gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka.

Sikastaba Fahad ayaa dul hoganaya eedo ka dhan ah oo la xiriira xuquuqda bini’aadanimada iyo ku takri fal awoodeed intii uu joogay xukunka Farmaajo.

Hoos ka akhriso waajibaadka iyo waxqabadka guddiga xalinta khilaafaadka 

  1. Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:
    1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada
    2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);
    3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah;
  2. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;
  3. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.

Hoos ka akhriso warqadaha Fahad Uu Gudbiyay Maxkamadda Sare.