U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Saxiixay Xeer Dib u Dhigaya Wax Ka Bedelka Dastuurka KMG

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal soo baxaya ayaa lagu sheegay: 

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.”

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.

Goobjoog News