U bood dhigaalka

FEIT: Waxaa Markale Lala Wareegay Dhammaan Baraheenna Bulshada

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa shaaciyay in dhamaan lagala wareegay baraha bulshada ee guddiga.

War ka soo baxay guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in aysan mas’uul ka aheyn qoraalada hadda kadib la soo geliyo barahaas oo ka maqan gacantooda.

FEIT ayaa sidoo kale cadeeyay in arintaan ay tahay mid la rabo in lagu carqaladeeyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.