Fikrad: Xaaladda Taagan Iyo Xeeladda Xildhibaannada

Xubnaha golaha shacabku waa sharci dejiyeyaal loo doortay soo saaridda sharciyada dalka lagu maamulayo iyo sidoo kale dabagalka sharciyadaas, waxa ay baaritaan ku sameeyaan in sharciyadii ay soo saareen la dhaqan-galiyay iyo in laga gaabiyay, waxaa ay hubiyaan in tillaabooyinka siyaasadeed iyo midda sharci ee ay samaynayaan golaha fulintu ay yihiin kuwo waafaqsan sharciga iyo sidii dhammaan dowladda looga dhigi lahaa mid sharci sax ah ku shaqaysa taasina waa midda ugu muhiimsan ee baarlamaan loo sameeyay.

Shir kasta oo baarlamaanku fariisto waxa laga fillaayo waa in uu kasoo baxo wax dani ugu jirto dalka waa in si masuuliyaddi ku dheehan tahay loo doodaa waxna la isaga dhaadhiciyaa kadibna loosoo saaraa go’aan mideysan ayna faaiido ugu jirto dhammaan dadka soomaaliyeed.

Sida aan ku hayno sooyaalka Baarlamaanka Soomaaliyeed wali ma dhicin in xubnaha golaha shacabku inta fariistaan kulan ka mid ah kalfadhigooda ay si nabada ku doodaan ayna cod u qaadaan mooshin markaas taagan, waxaa caado u noqotay inay labo u kala jabaan oo ay haddana buuq iyo qaylo sameeyaan ayadoo koox waliba ay rabto in go’aankoodu uu shaqeeyo.

Sida uu qabo sharcigu waa in cod lagu kala baxaa oo kooxdii laga tiro batto ay u hoggaansanto sharciga ayna ku qanacdo natiijada laakiin taas badalkeeda waxay baarlamaankeenu muran iyo sawaxan ka dhex abuuraan xarunta lagu shiraayo ayadoo mararka qaar uu dhaco qacan ka hadal sida la wada ogsoon yahay.

Qalalaahisii Baarlamaanku sameeyay

  1. Dhacdadii Nairobi: 2005tii ayaa dagaalkii ugu horeeyay ka dhex dhacay baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay cod u qaadidda in ciidamo shisheeye oo ka socda waddamada dariska ah ama loo yaqaan waddamada safka hore dalka la keeno meeshaas waxaa ka dhacay dagaal kuraastii xildhibaanadu ku fadhiyeen iyo Ulo la isla dhacay oo qaar ka mid ah dhiig laga keenay, waxay ahayd arin lala yaabay kuna cusbeyd dalka waxayna noqotay hadal hayntii xilligaas.
  2. Mooshinkii Cabdiwali Sheekh Axmed: kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisulwasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la diyaariyay mooshin kalsoonida loogala laabanaayo raisulwasaaraha waxaana arintaas soo abaabulay xildhibaano madaxweynaha la safnaa oo rabay in xilka laga tuuro Cabdiweli Sheekh.

Kulankii baarlamaanka markii la isugu yimid lana filaayay in doodii la billaabo ayaa xildhibaanadii taageersanaa raisulwasaaraha waxay billaabeen buuq, waxay soo qaateen firinbiyo ayagoo yeerinaya markasta oo qof uu hadlaba waa la arkay sawiro laga soo qaaday baarlamaanka dhexdiisa ayadoo bariis lagu cunaayo halka xildhibaano lasoo sawiray xildhibaano madaxa soo saartay cabitaan.

Intii buuqaas uu socday waxaa dhawr maalin la xaday oo la jeexjeexay buuggii saxiixa ee lagu ogaan lagaa xubnaha jooga tiradooda arintaasna waxay ahayd in aan la ogaan inta joogta iyo in kooramku uu buuxo si looga baaqdo cod loo qaado raisulwasaarha taasina waxay ahayd xeelad ay dejiyeen xildhibaano tiro yaraa oo taageersanaa raisulwasaare Cabdiweli Sheekh oo ogaa in laga cod badin doono hadday ogolaadaan cod u qaadid.

Xildhibaanada mooshinkaas kasoo horjeeday waxay ku doodayeen

  1. In raiisulwasaare Cabdiweli Sheekh laga qaldanaa dooduna ay ku billaabatay markii uu xilka ka qaaday asaasimihii hay’adda nabad sugidda Sanbalaalshe taasina ay ahayd sababta ay madaxweynaha isugu dheceen
  2. Waxaa kaloo marmarsiiyo ay xildhibaanadu ka dhiganaayeen in xildhibaanada laaluush la siiyay si ay kalsoonida kala laabtaan raisulwasaaraha waxay warqad kusoo qorteen “ u code lacag” oo ay klaa jeedeen lacag ayaa qaadateen ee codka siiya lacagta. 
  1. kulankii 9.9.2017: kulankii baarlamaanka ee la sugaayay in looga doodo dhiibistii Qalbidhagax iyo go’aankii golaha wasiiradu ka qaateen ururka ONLF ayaa kusoo dhamaaday guul daro kadib markii koorumkii buuxsami waayay. 

Sababaha keenay koorum la’aanta:

  1. wadooyinkii oo xirnaa: Waddooyinka muhiimka u ah soo gallidda golaha shacabka ayaa la xiray sababo lagu sheegay madaxweynaha oo booqasho ku tagaayay xarun ciidmada lagu tababaro oo ku taala xero agoon ee degmada Hodan, mudaneyaasha baarlamaanka waxaa ku adkaatay inay xilligii loogu talo galay soo xaadiraan sababo lala xariiriyay baaritaanka waddooyinka oo said ahaa iyo meelaha qaar oo aan la ogolayn maritaanka,

Xildhibaanada qaar ayaa waddo xirashada ku micneeyay mid ku talo gal ahayd oo la rabay in la baajiyo kulankii baarlamaanka si aysan xukuumaddu cadaadis ugala kulmin.

Sida hadal hayntu ahayd waxaa la filaayay in mudanaashu ay mooshin ka keenayaan xukuumadda uu horkacayo Xasan Kheyre taas oo ka dhalatay xildhibaanada qaar oo ka carooday arintii dhiibista Qalbidhagax.

  1. Xildhibaanada oo aan xasiisin: kadib markii xildhibaanadu ay soo xaarideen ayna soo fariisteen golaha shacabka waxay ahayd in mid waliba uu saxiixo buugga laakiin xildhibaano la sheegay inay u badnaayeen kuwa xukuumadda ka tirsan iyo kuwo kale oo taageersan ayaan buugga saxiixin si ay u yaraato tiradu kooramkuna uusan u buuxsamin tirade buugga saxiixday ayaa noqotay 104 laakiin tiro intaas ka badan ayaa meesha fadhiday.

Haddaba arinta ah sharci darada ay ku dhaqmayaan xildhibaanu ayaa noqotay mid ay caado ka dhigteen oo haddii dantooda aysan arkin ay sharciga daba maraan waliba ma dhicin in xildhibaano laga qaado wax tillaabo ah sida kuwa iska maqnaada amar fasax la’aan ama kuwa buuqa iyo rabshadaha ka sameeya baarlamaanka dhexdiisa.

Doorashadii baarlamaanka ee 2017 oo ay shacabku soo doorteen xildhibaanada ayna soo bexeen qaar badan oo dhallinyaro ah wali wax isbedel ah ma muuqdo waxaa socda dhaqamadii looga bartay baarlamaanka oo ahaa mooshin soo laalaabta iyo koorum la’aan mararka qaar uu fadhigu u baaqdo.

 Qoraaga ayaa sidoo kale qoray:  Dhacdooyinkii Is Xigxigay Iyo Falcelin Aan Laga Fiirsan

 W/Q: Maxamed Deeq Taako.

Email: deeqaxmad15@gmail.com

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: info@goobjoog.com

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW