U bood dhigaalka

Gaas: Cafis ku eg 30 cisho ayaan u fidinay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab (Dhageyso)

Oktoobar 2, 2014
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhawaaqay cafis ku eg 30 maalmood oo uu sheegay in ay u fidiyeen dhalinyarada u dagaalama xarakada Al-Shabaab.

Gaas oo ka hadlayay dagaalkii ay shalay ciidamada Puntland kula wareegeen buuraleyda Galgala ayaa sheegay in fursadan uu maamulkiisu siiyay dhalinyarada ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay u taaganyihiin xaqiijinta ammaanka shacabka Puntland isaga oo tilmaamay in ay mas’uuliyad ka saarantahay nabad gelyada deegaanada maamulka Puntland uu ka arimiyo.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sanado badan ku sugnaa buuraleyda Galgala halkaas oo xarun wayn u ahayd.

Hoos ka dhageyso codka Madaxwayne Gaas: