U bood dhigaalka

Gabar Aabaheed u Naq Raacay Uganda oo Milyan Dheer Noqotey

Sheeko:Caalamka

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa soo qorey sheeko xiiso badan oo ku saabsan haweeneey Soomaaliyeed oo aabaheed kasoo naq raacay gobolada waqooyi ee Soomaaliya, haddana noqotey qof milyan dheer ah oo magac iyo maamuus weyn ka yeelatay dalka Uganda.

Gabadhani waa Aamina Xirsi Mooge, waxa ay degentahay magaalada Kampala, halkaasi oo ay ka dhisatay dhismayaal waaweyn oo laga dukaameysto, sida dhismaha Oasis Mall iyo dhismaha deegaanka ah ee Laburnam Courts ee isla Kampala ku yaala. Aabaheed waxa uu ahaa xoolo dhaqato u naq raacay dalka Kenya, illaa Uganda qarni ka hor.

Haweeneydani Soomaalida ah ayaa waxa ay xitaa soo jiidatay dareenka madaxweynaha Uganda Yuweri Musavani oo ku tilmaamay qof aad u qiimo badan, isaga oo balanqaaday in uu gacan ka siin doono waxkasta oo ay u baahantahay Aamino.

Sanadii 1998 ayay u guurtay magaalada Kampala, iyada oo markii hore kusoo kortey magaalada xudduuda ku taala ee Kenya ee Bungoma, waxayna ganacsiga ka dhaxashay hooyadeed Sahra oo ganacsiga ka biloowdey maqaayad laga cunteeyo.

Safiirka Kenya ee u fadhiya Uganda Maj Gen Geoffrey Okanga ayaa xitaa Aamina guddoonsiiyey abaalmarin uu ku dhiirogalinayo guulaha ay ka gaartay xagga ganacsiga.

Madaxwyenaha Uganda Musavani ayaa sheegey in markii ugu horey ee uu Aamino la kulmey ay ahayd mar ay ugu timid si uu u siiyo dhul banaanaa oo dooxo ahaa oo ka ag dhawaa meel kaniisad ah “dhulka ay gabadhani i weeydiisatay waxa uu ahaa mid banaan oo iska dooxo ah, dadka kaniisadda aadaya ayaa baabuurta dhigan jirey, mana jirin wax manaafacaad ah oo lagu samaysan jirey, laakiin iyada waxa ay kasoo saartay qalcadahan aad maanta aragtaan, waana sababtaasi waxa aan ku jeclahay dadka Afrikaanka ah ee hamigoodu sareeyo, wax soosaarkana leh” ayuu yiri.

Wuxuu madaxweynaha sheegey in Aamina ay ka duwantahay dadka reer Uganda intooda badan “Hadda haddii aad tagtid meelaha qaarkood, dadka reer Uganda waxa ay ka buuxaan baararka iyaga oo qamri fuudaya, bal malee inta lacag ee ay beeldaraynayaan?, dadka aanan hiigsiga iyo hamiga lahayn waa waxa dib u dhigayaan Afrika” ayuu yiri Musavani

Waxa kale oo uu dhegaha ka raacay dadka dowladda u shaqeeya ee xafiisyada fadhiya ee marka shatiyada ay kasoo doontaan dadka maalgashadayaasha ah iyaga xagla daaciya hawsha, wuxuuna sheegey in dadkaasi yihiin kuwa horumarka hagardaaminaya.

Sanadkii 2008-dii, Aamina waxa loo aqoonsanaday haweeneyda ugu horeysa xagga ganacsiga , waxaana abaalmarin siiyey wakaaladda maalgashiga Uganda.

Aamino waxa ay leedahay hami kale oo ah dano kale oo ganacsi oo dalka Kenya iyo waliba Ugadan, waxayna dooneysaa in ay sii balaariso saldanadeeda baayacmushtar.

Goobjoog News