U bood dhigaalka

Gabar Soomaaliya Ku Dhalatay, Xeryaha Kenya Ku Soo Kortay Oo Ku Guuleysatay Doorasho Ka Dhacday Mareykanka

Sheeko:Dalka, War

Ilhaan Cumar oo ah gabar qaxootiga Soomaaliyeed ee Mareykanka ah ayaa ku guuleysatay xisbiga dimoqoraadiga qofka ay u sharaxayaan golaha wakiillada ee Minnesota.

Dadka ay Ilhaan ka guuleysatay waxaa ka mid ah haweeney caan ah oo muddo ku jirtay siyasadda gobolka iyo dalka Mareykanka kana tirsan Rep oo lagu magacaabo  Phyllis Kahn.

Ilhan waa 33 jir ku dhalatay Soomaaliya, muddo ku nooleed xeryaha qaxootiga ee Kenya, waana markii ugu horeysay oo qof qaxooti ah oo tilaabadaas qaado, lama oga sida ay wax noqon doono November laakin natiijada ay hadda heshay aad ayaa loogu farxay.

Goobjoog News.