U bood dhigaalka

Galaha Shabka oo La Filayo Inuu Sabti Ansixiyo Xukuumadda Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu filayaa in barri kulan uu ku yeesho magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ajandihiisu yahay in goluhu ay codka kalsoonida ay siiyaan xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo dhisay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu soo magacaabay xukuumad ka kooban 25 wasiirro, waxaana maalinta barri lagu wadaa in golaha shacabka ay siiyaan codka kalsooni, si ay u bilowdo shaqadeeda.

Goobjoog News