U bood dhigaalka

Galbeedka Afghanistan Oo Lagu Dilay 30 Askari

Sheeko:Caalamka

Gudoomiyaha gobolka Badghis ee Afghanistan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Taliban ay dileen 30 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayna la wareegeen saldhigga militariga ee gobolka, kaasi oo ku yaalla galbeedka waddanka maanta oo Arbaco ah.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreyay uguna weynaa tan iyo markii ay dhamaatay xabad joojintii lagu dhawaaqay intii lagu guda jiray Ciidda.

Taliban ayaa horay ugu dhawaaqday xabad joojin saddex maalin ah inta lagu guda jiro maalmaha ciidda, waxayna ku e keed maalintii Axadda.

Abdul Ghafoor Malikzai oo ah guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in Taliban ay saakadii hore weerareen labo bar oo ciidamada ay wax ku baaraan isaga oo tilmaamay in ay beegsadeen saldhigga Milatariga ee gobolka.

Abdul Ghafoor Malikza ayaa tilmaamay in Taliban ay jihooyin badan ka soo weerareen saldhigga, waxaa uu intaas ku daray in dagaal qaraar ka dib ay dileen 30 askari oo ka mid ah ciidamada amniga ee Afghanistan Talibana ay la wareegtay Saldhigga.

Xukuumadda Afghanistan ayaa horay ugu baaqday xabd joojin maalmaha Ciidda, waxayna Taliban ay gudaha u gashay magaalooyin badan oo waddanka ka mid ah iyaga oo u dabaal degaya todobaadka Ciidda.

Goobjoog News