U bood dhigaalka

Galmudug: Jadwalka Doorashada 5 Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey dhaqanka soo xulaya ergada kala doranaysa shan kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo ah halka loo asteeyey  deegaan doorashada labaad u ah maamul  Galmudug.

Kuraasta tirsigoodu uu kala yahay HOP#001, HOP#013, HOP#101, HOP#017iyo  HOP#060 ayaa waxaa sidoo kale guddigu uu raaciyey jadwalka doorashada, waxaana doorashada kuraastaan ay dhici doontaa maalinta barri ah oo ku beegan 6 bisha, waxaana qeyb ay ka yihiin 11 kursi oo ka tirsan golaha deegaan doorashadooduna ay tahay magalada Gaalkacyo ee Mudug.

1: Kursiga tirsigiisu tahay HOP#060  waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Ubax Tahliil Warsame

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#017  waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Duniya Maxamed Cali

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#001 waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Warsame Maxamed Xasan

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#013, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#101, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xirsi Aadan Rooble

 

No photo description available.