U bood dhigaalka

Galmudug: Odayaasha Dhaqanka Saddex Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaysa ergooyinka saddex kursi.

Kuraastaan ayaa kala ah HOP#069, HOP#95 iyo HOP#038, waxaana baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#038: Axmed Macalin Fiqi

HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa

HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac

Maanta oo sabti ah ayaa lagu waday in kuraastaan lagu doorto magaalada Galkacyo, balse guddiga doorashooyinka SEIT Galmudug ayaa maalin dib u dhigay kuraastaan.