U bood dhigaalka

Galmudug Oo Guddi U Magacowday Qalalaase Ka Dhacay Xarunta Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Galmudug ayaa guddi u xil saartay tallaabo ciidanka NISA ay ku xireen wasiir ka tirsan maamulkaasi oo musharrax xildhibaan ahaa.

Maamulka Galmudug ayaa guddi baaritaan u magacaabay dhacdadii 14 bishaan ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug ee Cadaado oo la sheegay in ciidamada ku xireen qaar kamid odayaal dhaqameed iyo wasiir ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug isla markaana ahaa musharax u taagan xildhibaan Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa isugu jira heer wasiir, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka waxaana guddigani hoggaamin doona wasiir ku xigeenka cadaaladda ahna ku simaha wasiirka Cadaalada Dowladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed.

Hoos ka akhriso wareegtada:

 0012