U bood dhigaalka

Galmudug oo Shaacisay Soo Xulista Ergooyinka Sedex Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban heer federal ee maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey soo xuliska ergada dooranayso 3 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuridda federalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 15 Nabaddoon oo soo kala xulaysa erkada kala dooranaysa kuraasta tirsigoodu kala yahay Hop#49, Hop# 51 iyo Hop# 139,  Hob# oo deegaan doorashadoodu ay tahay deegaannada maamulka Galmudug.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP 139  ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyey Cabdixakiin Macalin Axmed.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP 051  ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyey  Xasan Macalin Maxamuud Sh.Cali.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 ayaa Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyeyMustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

 

guddiga doorashada galmudug oo shaaciyay guddiga xulista ergooyinka 3 kursi

Goobjoog News