U bood dhigaalka

Galmudug oo Soo Gabagabaysay Doorashada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ay noqotay goobtii labaad ee lagu soo gabagabeeyey doorashada xidhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu ay tahay dowlad goboleedka Galmudug, kadib Koonfur Galbeed, waxaana lagu doortay kuraasta tirsigoodu kala yahay, HOP#018, HOP#20 iyo HOP#021.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#021 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Xuseen Axmed culusow, waxaana kursiga isaga tanaasulay musharraxii labaad ee kula tartamaysay kursiga Yaasmiin Yaasiin Xassan, waxaana uu kusoo baxay codka gacan taag ah, majirin Ergay diiday, ka aamusay, oo la shaaciyey,  kursiga Waxaa ku fadhisay xildhibaan Maryan Maxamed Geeddi.

May be an image of 4 people

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#018 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Sahro Colaad Cabdi, kadib markii ay isaga hartay tartanka kursiga musharraxii la tartamaysay Nimco Cabdi Maxamuud, waxaana ay kusoo baxday cod gacantaag ah, majirin Ergay diiday ama ka aamusay oo guddigu xusay, kursiga ayaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey Qaasim Maxamed Jaamac.

May be an image of 3 people and people standing

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#020 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Shamso Cilmi Xasan, kadib markii ay goobta soo xaadiriwaysay musharraxii kula tartamaysay kursiga Muxubo Cabdi Aadan, waxaana loo qaaday codka gacantaag ah, guddigu mashaacin ergay ka aamusay ama cod halaabay,  kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cali Maxamed Shariif.

May be a closeup of 3 people, people sitting, people standing and headscarf

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu noqday maamulkii labaad ee soo dhammaystira doorashada xildhibaannada golaha shacabka, waxaana guud ahaan soo idlaatay doorashada 37 mudane oo Galmudug ku matalaysa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, 26 xildhibaan ayaa waxaa lagu doortay deegaan doorashada koowaad oo ah caasimadda ee Dhuusamareeb, halka 11 xildhibaanna lagu doortay deegaan doorashada labaad ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News