U bood dhigaalka

Galmudug: Habraaca Doorashada 5 Kursi Oo La Shaaciyay, Yaa Hadda Ku Fadhiyo?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka heer federal ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyey qabashada shan kursi oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo lagu dooran doono Dhuusamareeb. Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku shaaciyey tirsigoodu yahy kala yahay HOP#012,  HOP#139, HOP#049,  HOP# 051, iyo HOP#055, doorashadooda la qaban doono 2 bisha soo aadan ee February 2022-ka, sida guddigu uu shaaciyey.

Yaa hadda ku fadhiya kuraastaan?

HOP#139: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin.

HOP#055: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Sakariye Xasan Sheekh Cali

HOP#051: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud Sh. Cali

HOP#049: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

HOP#012: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale

Goobjoog News