U bood dhigaalka

Garoowe: Dadka Deegaanka Oo Amni-darro Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka, War

Maamulka iyo shacabka Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in ay u istaageeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen amni darrada ku soo korortay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News Cawil Cali, Garoowe waxaa ka jiray waayihii dambe  dhallinyaro  dadweynaha ka qaata telefoonnada iyo agabka kale oo ay wataan

Maamulka degmada waxaa ay ballan-qaadeen in ay wax ka qaban-doonaan xaaladda ammaanka iyaga oo dalbaday wada shaqeyn.

Mid ka mid ah dadka reer Garoower oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu yiri “Waxaa jirta amni darro, annagu maanta waxaan joognaa caasimaddii tooshkaa nalku hayaa, caasimadda haddaan dhibaato ka kicinno waa dhibaato kale ee soo korortay”.

Qof kale waxaa uu yiri “Dadku waa iska warqabaa qof kasta qofka kale deegaanka meesha uu kaga jiro waa uu ogyahay, dadka amni darrada wada waa la ogyahay meelaha ay ka yimaadee oo ay joogaan”.

Maamulka shacabka iyo cuqaasha Garoowe ayaa hay’adaha ammaanka u soo jeediyey dhaliil la xiriirta ka gaabinta wax ka qabashada dhallinyarada dadka dhaca.

Goobjoog News