U bood dhigaalka

Garoowe: Rag hubeysan oo la wareegay xarunta Telefishinka Puntland

Sheeko:War

Rag hubeysan ayaa xoog maanta kula wareegay xarunta Raadiyaha iyo Talefishinka maamulka Puntland oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Kooxahani hubeysan ayaa ku labisan dharka ciidamada Puntland iyo dhar kaloo shacab ah, waxayna shaqaalaha ku qasbeen inay isaga baxaan xarunta dhexdeeda.

Xaalada magaalada Garoowe ayaa yara kacsan maanta, waxaana halka ay ku taallo xarunta TV-ga Puntland ka ag dhow aqalka madaxtooyada ee looga arimiyo maamulkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay wax u soconayaan, iyadoo wariyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee xaruntaasi ku sugnaa ay dibadda kaga soo baxeen.

Dhinaca kale, Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in maanta xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay.

Saraakiisha xilalka laga qaaday waxaa ka id ah taliyihii ciidamada Madaxtooyada iyo saddex kale oo uu ka mid yahay agaasimihii xarunta TV-ga Puntland ee Axmed Kismaayo.