U bood dhigaalka

Garoowe:Nicholas Kay oo maanta la kulmaya wax garadka Puntland

Sheeko:War
Nicholas Kay
Nicholas Kay

Saacadaha soo aadan ee maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in wakiilka gaarka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay magaalada Garoowe uu kula kulmo odayaasha dhaqanka magaaladaasi.

Wariyaha Goobjoog FM uga soo warama Garoowe ayaa soo sheegay in ay socdaan qaban qaabada kulanka labada dhinac ay ku yeelanayaan Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadli doonaan sida wararku ay sheegeen maamul goboleed laga hirgaliyo gobolada dhexe, kaas oo lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Kay oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qodobo ay ka mid ahaayeen xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ayay isla jeex jeexeen labada masuul.

Safarka Kay ee Garoowe ayaa ka dhigan safarkii lixaad oo uu ku tago magaalada Garoowe tan iyo markii loo soo magacabay hogaanka xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya.