U bood dhigaalka

Garsoorayaal Maxkamadeed Oo Lagu Dilay Afgaanistaan

Sheeko:Caalamka

Kooxa ku hubeeysan Bastoolado ayaa Dila u geeystay Labo Haweeney ah oo Garsoorayaal ka ah maxkamad ku taalla Gudaha Dalka Afganistan.

Dilka ayaa ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Kabul, subaxnimadii horay ee saaka  iyadoo ay sii xoogeysanayaan rabashadaha dalkaasi ka socda maalmihi la soo dhaafay .

Dowladda Madaxweyne Asharad Gani ayaa wada hadalo nabadeed la wadda kooxda Taaliban oo in mudda ah ka dagaalameysay dalkaasi.

Weerarka lagu qaaday garsoorayaasha ayaa dhacay xili ay wateen gaari una  socdeen xafiiskooda, sida uu sheegay Ahmad Fahim Qaweem, afhayeenka maxkamada sare.

“Nasiib darro, waxaan ku weynay laba haween ah oo garsoorayaal u ahaa weerarkii maanta. Darawalkoodii waa dhaawacmay,” ayuu Qaweem u sheegay wakaaladda AFP.

Saraakiisha Booliska Afgaanistan ayaa dilka labada Garsoore ku eedeyay kooxda Taaliban , iyadoo weli leysku mari la’yahay Heshiiska Nabadeed ee Taliban iyo Afgaanistan .

Shaqaalaha Maxkamadda Sare ee Afghanistan ayaa bartilmaameed noqday kadib weerarki  bishii Febraayo 2017 , markii qarax ismiidaamin lagu qaaday Maxkamad ku taalla dalkaasi , qaraxaas oo ay ku dhinteen  ugu yaraan 2041 .

Weerarkii ugu dambeeyay, ee uu  Madaxweyne Ashraf Ghani kooxda Taliban ku eedeeyay ,ayaa dhacay laba maalmood un kadib markii Pentagon-ka uu ku dhawaaqay inuu yareynayo Ciidamadiisa  Afghanistan ilaa 2,500, Bilawgii Bishii December sanadkii tagay 2020.