U bood dhigaalka

Gedo: Fashil Ku Yimid Waqtigii Loogu Talagalay Doorashada Garbahaarreey

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Talaado ah ku eg muddo laba todobaad ah oo ay guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT Jubbaland ay u qabteen in lagu qabanay doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarreey.

SEIT Jubbaland ayaa 15-kii bishaan sheegay in muddo laba todobaad ah lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo maamulka Jubbaland ay ka hirgeliyeen teendhooyin la sheegay in lagu qabanayo doorashada kuraastaas oo laga soo wareejiyay magaalada Garbahaarreey.

Kuraasta Gedo taallo ayaa kala ah tirsigoodu HOP#065, HOP#078, HOP#087, HOP#090, HOP#091, HOP#100, HOP#102, HOP#110, HOP#116, HOP#117, HOP#119, HOP#122, HOP#123, HOP#125, HOP#131 iyo HOP#216.

Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#065:  Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Jibriil Cabdirishiid Xaaji.

HOP#078: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Sacdiya Muuse Cabdullaahi.

HOP#087: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cali Xuseen.

HOP#090: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.

HOP#091: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Aadam Isaaq Cali.

HOP#100: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdulcaziz Cabdullaahi Yuusuf (Dh.qol).

HOP#102: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

HOP#110: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.

HOP#116: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdulqadir Aadan Nuur.

HOP#117: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Haashim Nuur Aadan.

HOP#119: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

HOP#122: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).

HOP#123: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Cali Magan.

HOP#125: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Daleys Xasan Aadan.

HOP#131: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

HOP#216: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdi Cali Xasan.