QormooyinShaqadoonShaqo Doon

Geela: Boqorka Xoolaha Soomaalida

Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen. Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo. Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karraa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘dameertaydii baa nin geel leh ii gashay’.

Dhanka kale, qofkii maalkiisa ku loofara ee aan waxba tashiilan waxay weydiin jireen su’aasha ah: ‘Ma geela ayaa korammo idiin ku jiraan?’ Sidoo kale ruuxii cadho aawadeed foolkiisu madoobaado ee la xejin kari waayo, waxay ku odhan jireen ‘Ma geelii aabbahaa ayaa la dhacay?’ amase ‘geeliisii ayaa cirka lagu maalayaa’, iyagoo gar u arkaayey ninkii geeliisa la damaaciyaa inuu marooradillaaco oo marada madaxa ku marto.

Haddii la eego maansada, maahmaahda iyo sheekooyinka murtida leh ee Soomaalidu illaa waa hore isu soo tebin jirtay, waxa muush ka ah geela iyo dhacdooyinkiisa, taas oo ina tusaysa sida geelu noloshooda ugu soohnaa. Iska dhaafe, ubadka ay dhalaan magacyadii ay ugu wanqali jireen ayaa jacaylkii geela ay u qabeeni ka soo dhex tafay, saa waynaga maqallay: Geelle, Geeljire, Geeldoon, Geelxoor, Caanogeel iyo kuwo kale.

Jacaylkii Ay Geela U Qabeen

Guud ahaan Soomaalida,  waxaa ku jirta rooxaan geela jecel, reermiyiguna waabu ka sii xagjiraa. Jacaylka geela ayaa madaxmaray, kolkaasay xataa ruuxda bini-aadamku qiimihii ay lahayd neefaf geel ah dhaafsadeen. Bal u fiirso meerisyadan miidaamada ah ee gabyaa Ina Xasan-Deri la oran jirey laga soo sheegay. Wuxuu yidhi:

Badda jiidhayaa ama berri jaanta mariyaaba

Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxa!

Cabdi Warsame Baanji oo ‘Cabdi-Gahayr’ lagu garan og yahay ayaa isna cid walba baradhaafiyay kolkii uu aaminay in jacaylka geelu yahay mid kitaabiya ah oo Diinka Muxammadiya boos ku leh. Waxa uu daliishaday in raggii rag ahaa ee nebi Muxammed la jaalay ay geelleey ahaayeen, aakhiro kolkii la tago ee uumiyaha la xisaabiyana, ninkii aan ifkii ayro soo dhaqan in arrinkiisu Allow sahal yahay!!! Malahayga waxa uu u jeedaa ninkii aan geel badan oo uu seko iyo sadaqo ka bixiyo lahayni, markii suurta la afuufo ee siraadka la maro, inuu solayga naareed ku siibto ayaan si xun uga yaabayaa. Wuxuu yidhi Cabdi-Gahayr:

Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay

Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene

Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne!

Geeljiraha gaas-dhagoolaha ah qaarkii ayaa lexejeclada iyo jacaylka geelu dawga aakhiro seejin jireen, kolkii wadaadka sekeda ururinayaa isa soo dul taago oo ku wacdiyo inuu geeliisan reysimmada ah sekeda ka bixiyo. Wacdiga wadaadka ayaa u qudhqudhsami waayi jiray oo waxa ku adkaan jirtay inuu qaalmo goojinaya intuu xeradiisa ka soo saaro nin kale mihiibsiiyo. Kolkaasuu af buuxa wadaadkii ku odhan jiray: ‘Awgayoow, intii ay xero nin kale ka ololi lahayd, aniga aakhiro ha igu durduriso e iskaga tag!’

Isha geeljiruhu waxa ay ku doogsato, araggeeduna ku samaadaa waa hasha, gaar ahaan xilliga aaranka ah ee arladu cosob miidhan tahay kolkaas oo geela dhogor cusubi fuusho, baar qurxoon oo neecawdu ku ciyaartaana u soo baxo. Isagoo sii daymoonaya neef tilmaamahaas leh, asii uga dardaarwerinaya miciyo dugaag iyo macaluul abaareed ayuu geeljire ku heesay:

Weynidaayoo

Wanaagsanidaa

Waxse kuu dhiman

Adoo Waaroo

An wedba lahayn!

Hawsha Geela

Geela ay sidaas u jeclaayeen wuxuu ahaa mid dhaqiddiisa, dhaqaalayntiisa iyo soodhicintiisaba ay dhibi ku mataansan tahay oo ninkii karti iyo kelyo adayg la soo dhashay oo keli ahi uu ka soo dhalaali karo. Waxay ahayd hawl u baahan qawsaarro aan hoh iyo caku toona oran, wiilal aan waaban oo wadnahoodu galawda aqoon iyo waayeel aan talada la weydaarin intaba.

Isagoo hawsha canaabta badan ee geela lagala kulmo dadka kale u dulmaraya, waatuu ninka geeljiraha ahi ku heesay:

Habar baa tidhi

Geelu hawl male

Oo harraad male

Oo hal gudhan male

***      ***       ***

Waanad horinoo

Waanad hoos gelin!

Raacitaanka, shubaasha iyo xergeynta intuba waxay safka hore kaga jiraan hawlaha kala duwan ee geeljiruhu u qaybsan yahay, kuwaas oo haddii tirada geelu korodho, iyana la kordha.Waa kan geeljire markii waagu guduutay wadaanta qabsaday oo haddana maalintii u kala badhantay isaga oo ay weli hormooyin u hadhsan yihiin. Wuxuu yidhi:

Saaka hiirtaa

Hubka loo dhigay

Oo haddana weli

Soo horaay iyo

Hoobey la hayaa

Mid kale oo ku muruqgo’ay hawsha feedhajabka leh ee shubaasha ayaa isna ku cataabay:

Feedha dhiman bay

Dhaami leedahay

Anna dhabarkiyo

Meel dhexdaasoon

Jeer u dhacay baan

Dhawr is leeyahay

Inkastoo arami hore ladhkeedii ku soo kacayo, haddana wuxuu wacad ku marayaa inuu u hagarbixi doono oo inta ay darka joogto uu isna dawliska baacin doono. Wuxuu yidhi:

Jeer oon laba dhidid

Oo dhafoorka ah

Midba dhan u tiro

Kuuma dhaartoo

Kuuma dhiidhiyin

Hawshaas cadaabta badan ayaa geeljiraha ka dhigtay astaanta geed-adaygnimada. Waxa uu hiirta waaberi la baxaa geela, gadiidkiina ma soo hadhgalo jeer oo gabbalku dumo mooyaane. Habeenkii waa u gabayoox iyo gama’ la’aan, maalinweyntana waa u surmi iyo somalhaad. Balse ninkii aan sidaa u golongolin ee barqadii markay tahayna shaxda jeexda, habeenkiina kolba halkii jiibta iyo jaantu ka baxdo u ciyaarguda, waxay odhan jireen waa ‘xoolohunnay’ oo isaga iyo xero madhan baa is leh. Waxa heesahooda ka mid ahaa:

Wiil cawayskii

Kaa ciyaar guday

Adna ciil iyo

Cadhuu kugu dilay

Isna ceeb iyo

Caydh u halis noqoy

Masaafada geela loo daaqgeeyo oo aad u durugsan ayaa keentay in wixii fog looga qiyaasqaato oo la yidhaahdo, ‘waxaasi wuxuu jiraa daaqsin geel’, sidaa awgeed in geela lagu celceliyo adhi foofkii meel jirta iyo agagaarka awrta rarayda ahi daaqaan waxay la ahayd hungeyn iyo hagrasho weyn sida heesta hoos ku qorani tilmaamayso:

Meesha adhigiyo

Awrtu daaqaan

Anaa ku ogoo

Ayro kuma samid

Intaas oo keli ah kuma koobna e, markii naqu gabaabsiyo ee maalinfoof waxba lagu soo waayo, ninkii rag ahi geeliisa waa u dedaalaa oo meeshii wax uun madow ahi ku dambeeyay ayuu uga xeradhigaa oo u xergeeyaa. Markay hawshaas u xidhxidhanayaan ayay ku heesi jireen:

Xas jadeerliyo

Haddaan xagar jiq ah

Looga xero dhigin

Cuudku ma xasilo

Hawkarka intaa le’eg ee heesuhu ka maragkacayaan waxay ku qaabili jireen qabweyni iyo qanaaco. Markay libdhadu soo baxdo ilaa inta ay liiqa dhigayso waxa ay ku foognaayeen geel, qofkii aan sidaas ahaynna, inuu la’aad yahay oo camal la’aani googoysay ayay aaminsanaayeen. Inay sidaas ahaydna waxaad ka garataa gadhmadoobahan sii dardaaraya labadii kuray-xoogle ee geela horweynta ah la xerriyey. Ballan habeennimo kallahe arooryo ayuu leeyahaye, isagoo xaggii tuulada u hilhilanaya, si uu geela kaalinka ugu sii diyaariyo, ayuu wiilashii jalleecay oo ku yidhi: ‘war hooy geelaas marka danlaawuhu dhawaaqo dhengedda soo saara oo soo dhaqaajiya.” … Ogow danlaawaha uu sheegayaa waa wadaadka mu’addinka ah ee salaadda hore daakira e! Haa…Kol haddaanu geel kala horaynin oo ku heesaynin wuxuu la dhawaaqaaba inay danla’aan tahay ayuu u haystaa, waa se isaga iyo jahligiis.

La soco qaybta 2aad…

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur

Email: shaaficiqaasim@gmail.com

Tixraac:

  1. Buugga Suugaanta Geela – Axmed Cali Abokor
  2. Barnaamijka Af iyo Suugaan – Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’
  3. Ceel Walwaaleed – Axmed Ibraahin Cawaale
  4. Sheekadii Hurre Walanwal iyo Cambaro Nuux – Yuusuf Cabdille Cismaan ‘Yuusuf-Shaacir’

Haddii aad qormo heyso, noogu soo dir: info@goobjoog.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close