U bood dhigaalka

Gen. Gaafoow Oo lagu Doortay Dhuusomareeb

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Dhuusomareeb waxaa Maanta ka dhacay qabashada doorasho kursi ka banaanaa golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Kursigan ayaa waxaa u tartamay labo musharrax oo kala ah Gen. C/laahi Gaafoow Maxamed iyo Xiireey Muxidiin.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo doorashadan qabtay ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in Gen. Gaafoow uu ku guuleysto codad gaaraya 43 cod, halka Xiireey oo la tartamayay uu helay 7 cod oo kaliya.

Kursigaan ayaa  ka banaanaa golaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waxaana horay is kaga casilay C/qaadir Gaafow Maxamed oo ah nin la dhashay Gen. Gaafoow.

Goobjoog News