U bood dhigaalka

Gobolka Alberta Ee Dalka Canada oo Xaalad Degdeg ah Looga Dhawaaqay

Sheeko:Caalamka

Gobolka Alberta dalka Canada ayaa looga dhawaaqay xaalads degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha uu ku fiday gobolkaas ku yaalla galbeedka dalkaas, taasoo sababtay in ku dhowaad 25,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda, waxaana xaaladdu ay noqotay mid lagu dhawaqo in xaaladda deg deg gobolka la geliyo.

Gobolkan oo hore ay usoo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa raysal wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag”.Dadka deggan Edson, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 oo qof, ayaa loo sheegay inay degdeg uga baxaan.

Ms Smith ayaa sheegtay in jiilaal kuleyl iyo qalleyl wata uu abuuray xaaladdan, iyadoo ilaa 122,000 hiktar oo dhul ah ay gubteen ilaa iyo haatan. Dab kale oo kacay oo aan la xakameyn karin ayaa waxaa sii hurinaya dabeylo xooggan, xilligaan oo lagu jiro waqtiga Gu’ga.

Meelaha ugu daran ee dabku saameeyay waxaa ka mid ah Drayton Valley, oo ilaa 140km (87 meyl) galbeed uga began caaismadda gobolka ee Edmonton, iyo Fox Lake, oo ilaa 550km waqooyi uga began magaalada, halkaas oo 20 guri uu digada ka dhigay dabku.

Alberta waa gobol soo saara shidaalka, balse arrintan ma aha waxa sababay xaaladdan khatarta ah, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka oo looga daadgureynayo goobaha ay degan yihiin, waxaana dowladdu ku dhawaaqday xaalad deg deg ah.

Goobjoog News