U bood dhigaalka

Goddoomiye Aadan Madoobe oo Kormeeray Xarunta Baarlamaanka+Sawirro

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kormeer iyo indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , taas oo Guddoomiyuhu sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono.
Guddoomiyaha ayaa guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta Golaha Shacabka waxaana uu horay u ballan qaaday in dib u dhis balaadhan uu ku sameyn doono mustaqbalka dhow , asagoo Sidoo kalena sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi.
Dowladda Turkiga oo horrey u balan qaaday dib u dhiska xaruntan ayaa dhowaan sheegtay in ay fulineyso balanqaadkeedii hore islamarkaana ay dhowaan si rasmi ah u bilaabi doonto dib u dhiska xaruntan,Waxaana waxyaabaha dib  dhiska xarunta lagu soo kordhin doono si ay u daboosho adeegyada ay u baahan yihiin.
Golaha Shacabka ayaa hadda ku howl gala xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa waana halka ay ka dhacaan kulamada guud ee Golaha iyo kan guddiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana goluhu rajo ka qabaan in maalin ay ay dib ugu howlgalaan xarunta Baarlamaanka oo hadda dib u-dhis lagu bilaabi doono.
Goobjoog News