U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Diiday In Cunaqabeynta Hubka Laga Qaado Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan isugu yimid maalinimadii Khamiista ayaa waxaa looga  hadlay  macquul ahaanshaha in Soomaaliya xilligaan laga qaado cunaqabateynta Hubka, iyadoo  dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto xooggga Al-shabaab, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Golaha ayaa waxaa ay dood dheer kadib isku raacay in wali Cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, 11 dal ayaa u qodeeyay qaraarkaan diidmada ah,  xilli dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta lagu diiday  qaraarkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horey u cosatay jabinta qaraankaan.

Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo xirrir dhow la leh dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka mid ahaa dalalka diiday in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in golaha markale uu ka fariisto qaraarkaan sanadka soo aadan, tan ayaa dhabarjab ku ah dowladda Soomaal;iya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku celiyay baahida xilligaan ay qabaan in laga qaado cunaqabeynta hubka, iyadoo ay diidmadaan golaha ay ku soo aadayso xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto xooggga Al-shabaab oo laga saaray deegaanno dhowr ah ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News