U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Arrintan ayaa  ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa ; xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ayaa sanadkan gudihiisa waxaa ay qorsheyneysaa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, isaga oo markaas kadib dhaqan gal ka noqon doona guud ahaan dalka ay fulin doonto wasaaradda arrimaha gudaha.

Goobjoog News