U bood dhigaalka

Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa la horkeenaya xeerka doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan gelinta codbiyayaasha.

Kulanka ayaa inta uu kulanku socday waxaa ay dood dheer ka yeesheen xeerka, waxaa goobjoog ahaa fadhiga 53 xildhibaan, golaha ayaana ugu danbeyn cod gacan tag ah ku ansixiyey  xeerka doorashooyin.

Xeerkaan oo xukuumaddu ay soo gudbisay ayaa waxaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wakiillada Somaliland, maantana waxaa meel mariyey golaha Guurtida, iyadoo la horgeyn doono madaxweyne Muuse Biixi si uu u saxiixo.

Goobjoog News