U bood dhigaalka

Golaha Muddo Xileedkoodu Dhammaaday Ee Shacabka oo Maanta Kulmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta kulan isugu imaanaya golaha waqtiga dastuuriga ah ka dhacay ee shacabka iyaga oo ka hadlaya arrimo ay miisaaniyadda 2021-ka ku jirto.

Qoraal loo diray Xildhibaannada sii-hayeyaasha ah ee waqtiga ka dhacay ayaa lagu sheegay in ajenduhu yahay akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2021-ka.

Baarlamaanka dhacay ayaa ku guuldareystay inuu miisaaniyadda ansixiyo inuu uu dastuuriga ahaa, waxaa kale oo laga cabsi qabaa inuu sharciyo kale ka doodo ama ansixiyo iyaga oo sii-hayeyaal ah oo aan sifo sharci ah ku fadhin.

Sida ku qoran qodobka 60-aad dastuurka KMG ah, muddada xilheynta Xildhibaannada waa 4 sano oo ka bilaabaneysa maalinta la shaaciyo, waxayna ku ekeyd 27-kii bishan.

Goobjoog News