U bood dhigaalka

Golaha Muddo Xileedkoodu Dhammaaday Oo Barri Meelmarinaya Misaaniyadda 2021-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka waqtigoodu dhammaaday ayaa Beri oo Talaado ah oo ay Tar 29 Dec, waxaa ay  Kulan ku yeelan doonaan Muqdisho , Ajandaha ayaa waxaa uu yahay.

1. U codeynta Qoondada Miisaaniyadda 2021

2. Wax-ka-badelka Sharciga Lagu Dhisay GMDQ LR.04

3. Akh 3aad H/Sh Nootaayooyinka

4. Akh2aad ee H/Sh Hay’ada Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaalia.

Xildhibaannada golaha ayaa waxaa waqtigoodu  ku ekaa 27kii bishaan December, waxaana afartiisano muddo xiloodkeeda waxaa ay ku guuldareysteen meelmarinta miisaaniyadda dalka oo dastuuri ah.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanku dib u dhacay meel marinta iyo dib u eegista dastuurka KMG ah, taas oo dhowaan farmaajo dib u dhigay waxaana ka dhashay dood badan, oo sharci yuaqaannadu sheegeen inuu awood u laheen.

Goobjoog News