U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-aad Marsiiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda Dowladda Ee 2020

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka Guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxa ay Xildhibaannada Akhrinta koowaad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka,

Waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay dhowr su’aalood oo ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda ee sanadlkan.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ‘’Qoloocow’’ ayaa mudanayaasha uga jawaabayay su’aalaha Xildhibaannadu weydiiyeen ee la xiriirta miisaaniyadda sanadka 2020.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa u jeediyay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan lacago ka maqan Xildhibaannada Baarlamaankii Sagaalaad.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha ayaa Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo ay xildhibaannada weydiiyeen.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Isbar bardhiga nuqulka Golaha Shacabka iyo nuqulka Golaha Aqalka sare ee Hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Goobjoog News