U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Mid Kamid ah Sharciyadii La Horgeeyey

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada goloha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey mid ka mid ah sharciyo maanta la horgeeyey.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda dii-wangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed iyo akhrinta 2aad Marsiiyaan H/Sharciyeedka hey’adda Socdaalka.

Xildhibaannada ayaa dood ka dib meel mariyey sharcigaan, waxaana u codeeyey 143 mudane ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Dhinaca kale, golaha ayaa kulankoodii akhrinta saddexaad ku marsiiyey  Hindise sharciyeedka hey’ada diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyada Soomaaliya.

Goobjoog News