U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Go’aamiyey in Xildhibaanada Lagu Doortay Ceelwaaq ay Sharci Yihiin

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan kasoo saaray xildhibaannada sodon iyo labada ah ee lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee gobolka Gedo, guddoonka ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in xildhibaannada Ceelwaaq ay  sharci  yihiin.

Guddoonka  ayaa sidoo kale qoraalka  ku xusay in xildhibaannada lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo la marsiiyay habraacii saxda ahaa ee doorashada dadban ee lagu heshiiyey, iyaguna gobolka ay Gedo ee deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubaland  ay ku matali doonaan Baarlamaanka 11-aad  federlka ah.

Guddiga ayaa dhanka kale xubnaha sheegtay in lagu soo doortay magaalada Garbahaareey waxaa uu sheegay in aysan marin habraacii lagu heshiiyay, kaas fulintiisa loo idmaday guddiga hirgelinta doorashooyinka, waxaana qoraalka intaas lagu daray in aysan heysan Shahaadada saxda, guddoonka ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay.

Gabagabadii guddoonka ayaa ugu baaqay in dadka walaalaha ee reer Jubbaland ay dhex taallo xurgufta wax waliba ay ku dhameeyaan liiska wadahalka, waxaana qoraalka guddiga uu ku soo aadayaa iyadoo sodon iyo laba xildhibaan ay ku sugan yihiin Muqdisho, xilli laga galayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka.

No description available.

No description available.

Goobjoog News