U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Go’aan Ka Soo Saarey Khilaafka Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Maaliyadda,  Iyo Miisaaniyadda iyo Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa kulan ay maanta ka yeesheen cabashada ganacsatada iyo xirnaashiyaha dekadda iyo suuqa bakaaraha uga  hadlay aragtida iyo habraaca canshuurta gadista ee dhalisay khilaafka wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada, iyaga oo falanqeyn  dheer kadib soo jeediyay:

1. In canshuurta gadista 5% ee ay wasaaradda maaliyadda amartay in dekadda lagu qaado, lagana qaado soo dejiyaha in aysan shari aheyn, waxaana labada guddi u soo jeedinayaan wasaaradda in canshuurta gedista lagu qaado goobaha loogu talo-galay, sharcigana uu asteeyay, lagana qaado iibsadaha ay ku waajibtay sida sharciga qabo.

2. In wasaaradda maaliyadda horkeento shuruucda maaliyadda oo tifaftiran isuna dheelitiran ugu dambeyn 30 April, 2018-ka, sida ku cad qodobka 4aad ee qaraarkii golaha shacabka ee ku xusan xeerka miisaaniyadda 2018-ka.

3. Labada guddi waxaa ay ku wargelinayaan wasaaradda maaliyadda in aysan sharci aheyn, lana dhaqan-gelin karin canshuuro cusub oo aan soo marin baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya sida ku cad qodobka 125aad ee dastuurka KM ah.

4. Xubnaha labada guddi waxaa ay ku bogaadinayaan ganacsatada wax kala soo degta dekadda Muqdisho oo in mudda ah bixinayey canshuur aan dalka intiisa kale dowladda ka uruurin, si loo socod-siiyo howlaha duruuriga u ah dowladnimada.

5. Labada guddi waxaa ay bogaadinayaan, misana dhiirigelinayaan howlaha dakhli uruurinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya si loo suurta-geliyo hab-raaca deyn cafinta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku howlan tahay balse waxaa lagu adkeynayaa in loo maro sifo sharci ah howlaha dakhli uruurinta, lana mideeyo tacriifada canshuuraha ee dalka.

Goobjoog News