U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Laga Qaaday Ciidamadii Lagu Wareejiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka  Cabdikariin Xaaji Buux ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in golaha shacabka laga dul-qaaday ciidamadii lagu wareejiyay, oo dib loogu soo celiyay kuwii hore.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xildhibaanno kale ayaa marar badan dalbaday in ciidamada xukuumadda keentay laga dulqaado guriga umadda, oo dib loogu soo celiyo ciidamada horay u joogay.

Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka mid ahaa hey’adaha dowladda ee labo bayaan ay soo saareen ku codsaday in xukuumadda ay ka dul qaato golaha ciidamada ay geysay oo wax walbo lagu celiyo sidii ay ahaayeen.

Goobjoog News