U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Maanta Iska Diiday Ka Doodista Ajandihii Lagu Ballansanaa

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacab ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah si cad u diiday ka doodista hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada, kaas oo ahaa ajandihii golaha saaka loo qeybiyeyey sida lagu ballamay.

Markii kulanka uu furmay ayaa xildhibaannada qaar oo hadlay waxaa ay sheegeen inaan loo baahneyn in golaha sharcigaan la soo gaarsiiyo, halka xildhibaannada qaar sheegeen inuu diinta suuban  iyo dhaqanka ka hor imaanayo.

Golaha ayaana gabi ahaan diiday inuu meel mariyo sharcigaan dambiyada ka dhanka ah galmada, kaas oo golaha wasiirrada ay horay u soo gaarsiiyeen golaha, maanta waxaa balanku ahaa in akhrinta la mariyo codna la geliyo.

Goobjoog News