U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo U Baaqday Kooram La’aan Iyo Magacyo La Yeeriyey

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee golaha shacabka, waxaa soo xaadiray 120 xildhibaan halkii laga rabay inuu kooramka ku buuxsamo 139 xildhibaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa amray habdhoraha golaha Shrma’arke Garaad Saleebaan in uu golaha ka hor akhriyo magacyada xildhibaannada maqan ee 155-ta ah.

Guddoomiyaha ayaa la sheegayaa inuu u cudur-daaray 16 xildhibaan, oo qaarkooda jiran yihiin, qaar safar dibadda ah jiraan.

Goobjoog News