U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Waxkabedel Ku Sameeyey Mudddo Xileedka BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacaka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo kulankii maanta ee golaha ka hadlay ayaa sheegay in golaha shacabka uu wax ka bedel uu maanta ku sameeyey qodobka 60-aad ee dastuurka, kaas oo qeexaya muddo xilileedka golaha shacabka ee Baarlamaankaga federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax ka bedelka qodobkaan ay u cuskadeen xeer horay uu u soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana meelmariyey Baarlamaankii 9-aad ee xiligaas jiray, waxaana uu xusay in wax ka bedelka uu yimid iyadoo Baarlamaankii 11aad aan la diyaarin iyo shaqooyin u harsan Baarlamaanka 10-aad.

” Marka aad fiirisaan sharciga meeshaan aan ku Twiter gareynay oo xeer uu ku soo saaray madaxweynihii xilihgaas jiray Xasan Sheekh Maxamuud, sida loo bedelay sidaan ayey aheyd” Waxaa muddada xilheynta golaha shacabka uu ku egyahay marka la dhiso galaha shacabka ee badeli lahaa, kani waa xeer madaxweyne ee sharcigii wax ka bedelka, qodobka 60-aad lagu sameeyey uu xeer ku soo saaray madaxweynihii xiligaas xilka hayey waxaa uu leeyahay” markii uu tixgeliyey baahida loo qabo in aysan dhicin maqnaasho siyaasadeed inta laga dhisayo inta laga dhisayo tii badeli leheyd, Baarlamaankii 9-aad iyo madaxweynahoodii waxaa ay ilaaliyeen firaaq inuusan dhicin” ayuu yiri Mursal.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Annagu waxaan ku darnay qodob oo ah awooiisa u dhammeystiran yahay, taas micneheedu waxaa ay tahay maanta markaad miisaaniyadda ka doodaan iyo shuruucda kale waad sii wadan kartaa ileen qodobkaas waxaa ay u qoran yahay awoodiisa ay u dhammeystiran tahay, sidaas markii ay tahay shaqo ayaa noo harsan, Dastuurka, dib u eegista dastuurka waa ay soo socotay guiddiga isku dhafka ah ee labada gole aad ayey uga soo shaqeeyeen, Baarlamaankii 9-aad meel ayuu ku gabagabeeyey Baarlmaankaanna waa inuu meel ku gabagabeeyaa, waxaa na sugaayo qodobka 136-aad oo afti lagu aadi lahaa” ayuu yiri guddoome Mursal.

Goobjoog News