U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Somaaliland Oo Meel Mariyay Sharciga Kastamada

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha wakiilada Somaliland oo fadhi ku yeeshay Isniintii shalay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa ansixiyay xeerka Kastamada.

Kalfadhiga baarlamaanka waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray xubno gaaraya illaa 45 xildhibaan, ajandaha horyaallay goluhu waxa uu ahaa u codeynta ansixinta xeerka Kastamada Somaaliland.

Xeerkan ayaa waxaa horey u soo gudbiyay guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada, kaasi oo muddo laba sano ah ku dhawaad horyaallay golaha loogana fadhiyay inuu ansixiyo.

Waxaa cod gacantaag ah lagu ansixiyay xeerka Kastamada Soomaaliland, waxaana ogolaatay in la meelmariyo 36 xildhibaan, halka 4 xubnood ay diiday, 3 xubnood oo kalena ay ka aamuseen, guddoomiyuhu ma aanuu codeyn.

Sharcigan ayaa meelmar noqonaya ka dib marka la hor dhigo Golaha Guurtida, oo wax ka bedel iyo tala bixin ku leh, ugu dambeynna loo gudbinayo madaxweyaha Somaaliland oo marka uu saxiixo ka dib, faafinta rasmiga ah lagu soo saaro dhaqan galaya.

Goobjoog News