U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Galmudug oo Muddo Kordhin u Sameeyay Madaxweyne Qoorqoor

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha wakiillada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddo kordhin u sameeyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib kulan maanta goluhu ay ku yeesheen magalada Dhuusamareeb, kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Golaha ayaa sidoo kale wax ka bedel ku sameeyay muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug, halkii ay ahaayeen 4 sano ayaa waxaa goluhu u codeeyeen 5 sano in laga dhigo, golaha ayaa gacantaag ugu codeeyay ajandaha la horgeeyay ee muddo kordhinta loogu sameeyay muddo madaxweynaha iyo hey’adaha kale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ajandaha maanta oo ahaa in muddo xileedka Madaxweynaha oo ahaa 4  Sano laga dhigo muddo 5 sano ah ayey  meel mariyeen 56 mudane oo ka tirsan golaha wakiillada Galmudug, waxaana kulankii maanta ka maqnaa tiro xildhibaanno ah maadaama 71 mudane uu yahay golaha wakiillada.

Golaha wakiillada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horay muddo kordhin ugu sameeyay madaxweyne  Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagreen, kuwaas oo muddo xileedkooda lagu daray sanad, iyagoo wax ka badelay xilliga uu ku egyahay muddo  xileedka hey,adaha oo ahaa 4 Sano oo laga dhigay muddo 5 sano ah.

Goobjoog News